Muqdisho(RBC Radio) Maxkamada gobolka Banaadir ayaa iska fogeysay in xukunada maxkamadu ay rido ay ku lug leeyihiin dad siyaasiyiin ah gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Dr Xaashi Cilmi Nuure oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in wararka sheegaya in go’aanada maxkamada ay lug ku leeyihiin Siyaasiyiin ay yihiin waxba kama jiraan.
“Ma jirto cid nala soo xiriirta oo nagu amartay inaan xukunka maxkamada u ridno sida ay doonayaan oo ka mid ah siyaasiyaanta dalka,hadii ay maxkamadu khalad gasho maaha mid ay cid kale gadaal ka taagan tahay ee waa mid maxkamada ku kooban oo annaga naga dhacay” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Dr Xaasi Cilmi Nuure.
Gudoomiyaha maxkamada oo ka jawaabayey mar la weydiiyey natiijada ay kala kulmaan go’aanada adag ee ay rido maxkamadu wuxuuna sheegay iney xiliyada qaar la kulmaan handadaad iyo caga jugleen,maxkamada ayaa qaada dacwadaha la xiriira dilka iyo kufsiga kuwaas oo qofkii lagu helo uu muteysanayo dil toogasho ah.
Dadka qaar ee eheladooda la xukumay ayaa ku andacooda in xukunka maxkamadu uusan ahayn mid cadaalad ah oo ay maxkamadu gaartay balse uu yahay mid loo yeeriyo oo ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin ka tirsan masuuliyiinta dalka,maxkamada gobolka ayaa xukuno fara badan riday kuwaas oo ay ka mid yihiin dil iyo xabsi daa’in ay dul dhigtay dad ay ku heshay danbiyo lagu soo oogay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho