Kampala(RBC Radio) Xoghayaha umuuraha Afrika ee wadanka Ingiriiska Mack Simon oo maalmihii danbe ku sugnaa wadamada Ethiopia iyo Uganda ayaa ka warbixiyey socdaalada uu ku marayo dalakaas, Simon ayaa sheegay in ujeedka Safarkiisa wadamada gobolka uu yahay sidii uu uga dhaadhicin lahaa ahmiyada shirka magaalada London iyo sidii ay kaalin muuqa shirkaas ay ugu yeelan lahaayeen madaxda wadamada gobolka geeska Afrika.
Mack Simon ayaa shaaca ka qaaday in Socdaalkiisa wadamada gobolka ay qayb ka tahay sidii loo sii wadi lahaa horu marada ay ku talaabsatay dowlada Soomaaliya si loo dhameystiro hanaanka dowladnimo ee hada bilowga ah ee ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale in laga sii baaraandago wada xaajoodyada shirka magaalada London ka furmaya 7-da bisha May.
“Waxaan ka wada hadalnay madaxda dalalka Ethiopia iyo Uganda sidii shirka London uu diirada u saari lahaa ahmiyadaha ugu horeeya ee ay dooneyso dowlada oo ay ka mid yihiin Nabadgalyada,Maamul wanaagsa,dib u habaynta garsoorka,Waxbarashada iyo Caafimaadka” sidaasi waxaa BBC-da u sheegay xoghayaha umuuraha Afrika dowlada Ingiriiska Mack Simon oo wareysi siinayey.
Mack Simon oo sii hadlaya ayaa yiri”Shirka London maaha mid Soomaaliya lacago loogu aruurinayo ee waxaa laga hadlayaa sidii dowlada looga taageeri lahaa adeegyada bulshada, waxaase jiri doona shir kale oo ka danbeeya midka London kaasoo lagu qaban doono qaarada Yurub isla markaane Soomaaliya yabooh lacageed loogu raadinayo”
Xoghayaha umuuraha qaarada Afrika dowlada Ingriiska ayaa ugu danbeyntii ku baaqay in dhmaaan wadamada beesha caalamku ay hal meel uga soo wada jeestaan xal u helida arinta dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho