Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Masuuliyiinta Puntland waxa ay soo kordhiyeen horumar muuqda. W/Q Mohamed Yasin Isak

$
0
0

Masuuliyiinta Puntland waxa ay soo kordhiyeen horumar muuqda
Mohamed Yasin Isak
Senior journalist
kajooje@gmail.com
Abriil 11 2013

Mohamed Yasin Isak Senior journalist

Mihiimada iyo faa’iidooyinka ay warbaahintu u leedahay bulshooyinka aduunka ma aha mid lagu soo koobi karo qormo iyo labotoona, laakiin waxaan jeclahay in aanu is xasuusino wax un ka mida.Qalabka warbaahinta waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay awooda sadexaad ee wadan yeelan karo, waxaana ka horeeya oo kaliya awooda dhaqaalaha iyo qalabka ama cududa milatariga, marba hadii ay ahmiyadaa leedahay saxaafadu, waxaa lama dhaafaan ah in dawladkasta yeelato meel ay ku baahiso siyaasadeeda kana wacyi galiso shacabka dhankasta si shacabka iyo dawladu iskaga warhayaan.

Waxaan ogsoonahay in hadda lagu jiro xilli aad u adag gaar ahaan dhinacyada siyaasada iyo amaanka,waxaa hubaal ah in hadii warbaahinta siwanaagsana loo isticmaalo ay waxwayn ka badali karto amaanka deegaanka p/land oo hada dhibaato culus ka jirto.

Waxaan aaminsanahay in qaarka mida dawladahii wadanka soo maray qaarkood laga riday idaacado, gaar ahaan kuwii kadanbeeyey dawladii maxamed siyaad, maxamed siyaad laftiisana waxaa la sheegaa in uu sanadihii xukunkiisa ugu danbeeyey uu idaacada raadyo muqdisho ka xukumi jiray.

Faa’iidooyinka kale ee bulshada ay u leedahay warbaahintu marka loo isticmaalo dhinacyada horumarinta lama qiyaasi karo.

Ujeedada aan qoraalkaan gaaban u qoray waxaa weeye in aan iraahdo masuuliyiinta puntland waxa ay soo kordhiyeen horumar muuqda oo aadna wax tar u leh waxaana xusi doonta taariikhda oo ay meel muuqata ka galayaan.

Mohamed Yasin Isak
Senior journalist
kajooje@gmail.com

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles