Beledweyne(RBC Radio) Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inuu si hagaagsan ugu adeegi doono shacabka gobolka gobolkaas gudoomiyaha maamulka goboilka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo shalay si rasmi ah ula wareegay maamulka gobolka ayaa tilmaamay inuu maamulkiisu uu si hufan ugu adeegi doono bulshada reer Hiiraan.
“Wuxuu maamulkeygu xooga saarayaa iskaashiga bulshada reer Hiiraan,waxaana ka shaqayn doonaa sidii ay isku kaashan lahaayeendhamaan qaybaha kala duwan ee shacabka gobolka Hiiraan” sidaas waxaaa yiri gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo.
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo shalay xaflad ka dhacday magaalada Beledweyne xilkii maamulka gobolka Hiiraan kala wareegay gudoomiyihii isaga ka horeeyey C/fataax Xasan Afrax ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu si deg deg ah u qaadi doono talaabooyin cad cad oo lagu hor marinayo gobolka Hiiraan.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan xilkii ka qaaday maamulkii hore ee gobolka Hiiraan iyadoona u magacowday maamul cusub oo ku meelgaar ah kaasoo talada hayn doona muddo Lix bilood ah sida uu qorshuhu yahay kadibne ay dadka deegaanada iyo degmooyinka dalku ay soo dooran doonaan maamuladooda sida ay ku dhawaaqday wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho