Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka waaberigii kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya madaxweynaha iyo waftigiisa oo shalay dalka ka ambabaxay kana qayb galay munaasabadii caleema saarka iyo dhaarinta madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa saaka aroortii soo gaaray caasimada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud iyo waftiga uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya.
Amniga wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyey waxaana saaka lagu arkayey wadooyinka magaalada Muqdisho ciidamo fara badan oo iskugu jira nabad sugida,boolis iyo milateri kuwaas oo xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada si ay u xaqiijiyaan amniga waftiga madaxweynaha ee dalka kusoo noqday.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qayb galat xafladii caleema saarka madaxweynaha cusub ee wadanka Kenya Uhuru Kenyatta isagoona xalay kulan dheer kula soo qaatay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya kaasoo ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo arimo kale oo dhowr ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho