Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh. oo la Kulmay Dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta

$
0
0

Nairobi(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa kulan la qaatay dhigiisa wadanka Kenya Uhuru Kenyatta kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa ay uga wada hadleen arimo dhowr ah oo la xiriira sidii loo xoojin lahaa  cilaaqaadka labada dal,qoxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga Kenya iyo ka wada shaqeynta amniga gobolka geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud ayaa dhigiisa dalka Kenya uga waramay ibedelka dhinacyada badan ee ka hanaqaaday Soomaaliya iyo dadaalada ay dowlada Soomaaliya ku dooneyso sidii ay ku hanan lahayd amniga dalka Soomaaliya isla markaane ay daris wanaagsan ugula noolaan lahayd wadamada gobolka.

Xasan Sheekh  madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale Uhuru Kenyatta ugu hambalyeeyey qabashada xilka madaxtinimo ee wadanka Kenya oo shalay loo caleema saaray,wuxuuna u muujiyey sida ay Soomaaliya ugu heelan tahay iney xiriir wanaagsan la yeelato wadamada deriska si la iskaga kaashado arimaha amaanka iyo horumarka gobolka.

Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dowlada Soomaaliya u ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada ay siiyaan ee dhinaca amaanka ah isla markaane ay kordhin doonaan iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya,madaxweynayaasha labada dal ayaa isku raacay in danaha labada wadan ay isku xiran yihiin.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles