Addis Ababa (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo booqasho qaadatay saddex maalmood ku tagay wadanka Ethiopia ayaa ka hadlay shirka ka dhici doona wadanka Turkiga ee dhexmari doona dawlada Soomaaliyeed iyo maamulka goosi-doonka ee Somaliland bishan bartankeeda.
Raysul wasaare Saacid oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay inuu maqlay dad su’aalo ka qaba shirka Turkiga ee kasoo hormari doona shirka weyn ee ka dhici doona London horraanta bisha May ee soo socota.
“Waxaan maqlayey beryahan dad badan oo shaki ka qaba shirka Turkiga waxaan leeyahay waxba haka shakinina wax aad shareysataan ma jiraan.” ayuu yiri raysul wasaaraha oo fasiraad ka bixinayey shirka.
Saacid wuxuu sheegay in shirkani uu qeyb ka yahay shirarka horumarinta dalka iyo amnigiisa looga arrinsanayo, isla markaana uu qeyb ka yahay dadaalada beesha caalamka ee u wajahan Soomaaliya.
Hadalka raysul wasaaraha dalka ayaa yimid iyadoo maalmo yar ka harsan yihiin shir ay ka wada qeybgali doonaan masuuliyiinta dawlada Soomaaliyeed iyo maamulka Somaliland kaasoo ka dhici doona magaalada Istanbul ee Turkiga.
Shirkan Turkiga ayaa dhaliyey su’aalo badan maadaama kulamo hore u dhexmaray labada dhinac ay ka dheceen wadanka Ingiriiska isla markaana uu jiro shirweyne guud ahaan Soomaaliya looga hadlayo oo ka dhici doona London bisha dambe.
Warbixin ay dhowaan qortay Raxanreeb Online ayaa muujineysa in shirka Turkiga ay sidoo kale wax ka wado dawlada Ingiriiska oo shirka London wax ku leh qabashadiisa, iyadoo qodobada looga hadlayo shirka Istanbul ay u badan yihiin iskaashiga dawlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Ujeedada ugu weyn ayaa ah in si shirka London uu u noqdo mid wada kulmiya dhammaan Soomaalida oo ay ku jirto Somaliland in ka hor la soo yara dhaweeyo mowqifka ay taagan yihiin maamulayaasha Hargeysa si ay u yimaadaan miiska London iyadoo cinwaanka shirkuna yahay “Soomaaliya”.
RBC Radio