Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Guddoomiyaha gobolka Bari: Waan Taageersanahay Shirka Magaaladda Kismaayo Ka Soconaya (Dhageyso)

$
0
0

 

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo RBC Radio ugu waramay Xafiiskiisa

Boosaaso[RBC Radio] Madaxda gobolka Bari ayaa maanta soo dhaweeyey Shirka ka soconaya magaaladda Kismaayo ee maamulka loogu sameynaanyo gobolada Jubbooyinka  iyo Gedo,iyagoona ku tilmaamay tallaabo  horumar leh.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo RBC Radio ugu waramay Xafiiskiisa Boosaaso ayaa sheegay in Shacabka Jubbooyinka iyo Gedo ku dhaqan Xaq u leeyihiin in Maamul goboleed  dhistaan taasina uu u Ogolaanayo  Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.

Mudane Gallan ayaa sheegay in Shirka ka soconaya magaaladda Kismaayo yahay mid dan ay ugu jirto Shacabka deegaanka isla  markaana tallaabada ay qaadeen tahay mid  ku dayasho mudan,

…”"” Walaalaheena Jubbaland waan ugu hambalyeyneynaa guulaha ay gaareen iyo  meesha ay wax marinayaan,waxaan Oran  karnaa xaq bey u leeyihiin,waxaana ay  kamid yihiin kuwii uu tilmaamay  Dastuurka maadaama laba gobol iyo ka  badan yihiin ayna gaarayaan Saddex gobol  in ka badan….“”ayuu yiri Cabdisamada  Gallan,

Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan Guji Halkan

Shirka Socda Waa Guul!!!!

Guddoomiye Cabdisamada Maxamed Gallan  ayaa sheegay in shirka socda uu yahay  mid lagu tilmaami karo guul,wuxuuna  mahadcelin ballaaran usoo jeediyey cid  kasta oo ka qeybqaataday dhismaha  Jubbaland.

Shirka Kismaayo

…”"” Waxaan oran karaa arrintan waa  mid guul ah oo lagu farxo,waana uga  mahadcelinaynaa Waxgaradkii,Siyaasiyiintii,Cuqaashii,Ganacsatadii iyo   Aqoonyahanadii isu xilsaaray arrintaas  iyada ah ilaa hadeerna bartamaha kaga  jira….”"“ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay in Shirka ka soconaya  magaaladda Kismaayo uu u rajeynaayo  isaga oo ku hadlaaya magaca Shacabka  gobolka Bari guul,wanaag iyo sharaf isla markaana uu noqdo mid Ummada Soomaaliyeed oo dhan raaligelin kara  gaar ahaana dadka deegaanka,

Dawladda Federaalku Ha Taageerto
Shirka!!

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu  Guddoomiyuhu ka codsaday in ay taageerto Shirka Kismaayo ka socda laguna doonayo in lagu dhiso maamul goboleed dadka  deegaanku kuwada qanasanyihiin kaaso oo  lagu magacaabo Jubbaland,

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad  Maxamed Gallan ayaa sheegay in hawsha  hadda socota ay u taalay dawladda  Federaalka ee Soomaaliya ayna ahayd in qudheeda in maamul ay ku mideysan yihiin  dadka deegaanka sameyso balse nasiib wanaag tallabadaas iyagu isu xilqaameen taasina looga baahanyahay in dawladu ku taageerto.

…”"” Maamulka dawladda Soomaaliya ee federaalka ah waxaan oran karnaa hawl badan iyo culeys badan oo u taalay in wadanka goboladiisa oo dhan nidaamka Federaalismka marka culeys badan oo sugaayey baad moodaa in laga fududeeyey  oo dadku iyagu Is xilqaameen oo iyagu is  abaabuleen kaliya waxaa u dhiman in  maamulku doorkii u ku lahaa in uu ka  qaato….”"“ayuu yiri Gallan.

Si kasta Shirka ka soconaya magaaladda  Kismaayo ee lagu doonayo in lagu dhiso  maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa  si weyn u taageersan Shacabka ku dhaqan  Puntland gaar ahaana gobolka Bari,
_____________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles