Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Uhuru Kenyatta: Nabad ka dhalata Soomaaliya waxa ay dan u tahay guud ahaan wadamada Caalamka

$
0
0

Nairobi(RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in nabadda  dalkiisa Kenya ay ku xiran tahay nabad iyo xasilooni ka hanaqaada dalka deriska ee Soomaaliya madaxweyne Uhuru Kenyatta oo khudbad dheer ka jeedinayey munaasabada caleema saarkiisa ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisu ay ahmiyad weyn siin doonto nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidankiisa ku sugan gudaha Soomaaliya ay sii wadi doonaan hawlgalkii ay u yimaadeen oo uu ku sheegay iney ahayd la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo Burcad badeeda oo saameyn ku yeesha wadankiisa sida uu tilmaamay.

Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu wadamada urur goboleedka IGAD iyo guud ahaan beesha caalamka ka gacan siin doono dadaalada lagu doonayo in dib loogu soo celoyo nabadii iyo xasiloonidii dalka Soomaaliya isagoona tilmaamay inuu si dhow ula shaqayn doono cid walba oo ku hawlan xal u helida arimaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya sheegay in dowladiisu ay udub dhexaad u tahay dadaalada lagu doonayo sidii dib loogu soo celin lahaa sharcigii iyo kala danbeyntii wuxuuna hoosta ka xariiqay in horu mar iyo barwaaqo ka dhalata dalka Soomaaliya ay dan u tahay guud ahaan wadamada caalamka sidaa darteedne ay waajib tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo nabadeyn lahaa Soomaaliya.

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles