Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Nabadoon Cabduqaadir Xarago: Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Xaad Waxa uu ku Hadlaayo Ha Noqdaan kuwa Waxtar leh!!![Dhageyso]

$
0
0

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago

Boosaaso[RBC Radio] Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay hadal dhawaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye,kaas oo u ku aflagaadeeyey dadka u dhashay Kismaayo.

Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xarago oo Wareysi gaar ah siiyey maanta ayaa ka hadalo arrimo badan oo ay kamid yihiin Shirka ka soconaya magaaladda Kismaayo iyo Hadalkii kasoo yeeraya Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ee u kaga soo horjeestay Maamul u sameynta Jubbaland,

Halkaan ka Dhageyso Nabadoon Xaragoo oo U Jawaabey Xaad Guji Halkan

Xaad iyo Jubbooyinka,

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Xarago ayaa ku sheegay Nabadoon Xaad in laga rabey in ka Oday ahaan uu taageero arrimaha Jubbooyinka balse aanan looga fadhin in dadka deegaanka ee ka tashana aayahooda uu wax ka sheego.

…”" Jubbooyinka arrimahooda uu ka hadlay Nabadoon Xaad,waxaan qabaa anigu meel kasta Odaygu in hadduu Ummadi midowdo ama wax wado in Odaygu taageero weeye,haddii Xaqdaro jirtona meesha Xaqdaradu jirto in laga doono weeye…”"ayuu yiri Nabadoon Xarago.

Wuxuu intaas ku daray..”"”…”"Odayaashu,waxyaalaha ay ku hadlayaan ama aragtidoodu ha noqoto mid aad iyo aad u weyn oo ay ka fiirsadeen oo noqon karta mid Mustaqbalka ay ku gar waayi karaan ineysan ku hadlin ay noqoto mid gar lagu heli karo…”"ayuu yiri,

Nabadoonka ayaa xusay in Jubbaland ay sameysanayaan dadka deegaanka u dhashay,yihiina kuwa ku mideysan maamulkooda,wuxuuna intaas ku daray in tallaabada ay wadaan ku doonayaan in ay kaga gudbaan burburka iyo dhibaatada sy Soomaaliya soo martay.

Nabadoon Xaad

Wuxuu tibaaxay in Odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari taageersanyihiin habeen iyo maalinba u taaganyihiin sidii uu guul ugu dhamaan lahaa Shirka ka soconaya magaaladda Kismaayo,wuxuuna sheegay in Maamulka soo baxa uu noqon doono mid isku dara Ummada deegaanka ku dhaqan.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu ugu baaqay in looga baahanyahay in ku garab Istaagto dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee ku shirsan magaaladda Kismaayo isla markaana rabitaanka dadka tixgeliso maadaama buu yiri Dastuurku u Ogolaanayo in laba gobol iyo in ka badan Maamul sameysan karaan,

Halkaan ka Dhageyso Hadalka Nabadoon Oo Taageeray Shirka Kismaayo Guji Halkan

Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabduqaadir Xarago ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Warbaahinta qaar uu siiyey Wareysi Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Beelaha Haeiye Nabadoon Xaad,kaas oo u ku sheegay in dadka ku shirsan Kismaayo aysan ahayn kuwa u dhashay deegaanka.

Nabadoon Xaad ayaa sida ku sheegay Wareysiga uu siiyey Warbaahinta in dadka Kismaayo isugu yimid lagu keenay Diyaarado iyo Maraakiib isla markaana ay u socdaan dhul boob.

____________________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles