Gaalkacyo[RBC Radio]Ciidamada ammaanka gobolka Mudug ayaa howlgalo ka wada magaaladda Gaalkacyo kadib marki habeenki xalay ahaa kooxo hubaysan ay magaaladda Gaalkacyo ku dileen Col.Axmed Maxamed Axmed ”Dhega-wayne” oo ahaa isku duwaha wasaarada amniga gobolka Mudug.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay wali ciidanka amnigu ku raad joogan kooxihii ka danbeyay dilkii allaha u naxariiste Col.Axmed Maxamed Axmed ”Dhega-wayne” islamarkaana ay xiligaan ciidanku waadan howlgalo lugu baadigobayo kooxahaasi.
“Waxaan wadna holgal balaaran oo an ku raad joogno kooxi gacanku dhiglayaasha ahaa ee ka danbeeyya dilki allaha u naxariste Col.Axmed Maxamed Axmed ”Dhega-wayne” waxana ku raja weynahay inaynu gacanta ku soo dhigno’waxaan ad uga xumahay kuna dhaliilaya shacabka ka og dhawaa gobta dilku ka dhacay inaysan markiiba ciidanka la soo xiriirin haddi ay nala soo xiriirilahaayen waxaa macquul ahaan lahayed inan gacanta ku soo dhigi lahayen“waxaa intaas hadalkisa ku soo qadey Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed.
Dhinaca kale waxaa uu taliyuhu ka codsadey shacabka ku dhaqan Gaalkacyo inay gacan ka siyaan soo war galinta gobaha ay ka shakiyaan ama ay dhacdo ka dhacdo taasi oo uu sheegay inay sura galinayso soo qabashada cidda dhibaatada wada.
Taliyaha waxaa kaloo uu caddeyay inay ciidamada amnigu heegan u yihiin ka hortagida khatar kasta oo ku soo wajahan shacabka Puntland gaar ahan kuwa gobolka Mudug.
Jaamac Maxamed Axmed Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ayaa gaba gabadi hadalkisa waxaa uu ku sheegay in shaqsigii danbi ka geesta deegaanadeda Puntland inusan ku dhex dhuman karin dhulka Puntland isla markana ay ka dabagali doonan ciidamada amniga mel kasta oo uu ku sugan yahay.
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo