Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Nabadoon Jaamac Xaaji Cali: Maamulka Cusub ee gobolka Hiiraan waa mid aan ku dhisneen Caddaalada & Rabitaanka Shacabka

$
0
0

Beledweyne(RBC Radio) Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa maamulka cusub ee gobolkaas loo magacaabay ku tilmaamay mid cadaalada ka fog isla markaane aaan ka turjumeen rabitaanka shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Nabadoon  Jaamac Xaaji Cali oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ku tilmaamay maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan mid xaq-darro ah kana fog cadaalada wuxuuna ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney arintaasi wax ka qabato,maadaama dowlada ay hore u ballan qaaday in dadku ay soo dooran doonaan maamulada deegaanada dalka.

Nabadoonka ayaa sheegay in waxyaabaha ay la socon waayeen oo ragaadiyey dowladihii kumeelgaaarka ahaa ee dalka soo maray ay ahaayeen Cadaalada darrada iyo eexda isagoona daboolka ka qaaday inaan hada kadibne la sugeen in ay guuleysto maamul lagu soo dhisay si cadaalad darro ah oo aysan u wada dhameen bulshada ku wada dhaqan gobolka Hiiraan.

Jaamac Xaaji Cali ayaa tilmaamay in la gacan bidixeeyey qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan taasne wax ka qabashadeeda looga fadhiyo dowlada Soomaaliya isagoona ku nuuxnuuxsaday in bulshada reer Hiiraan aysan ku qanacsaneen maamulka cusub ee ay soo magacowda dowlada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Dowlada Soomaaliya ayaa maamul cusub oo talada gobolka Hiiraan hayn doona muddo Lix bilood ah u magacowday gobolkaas gudoomiyaha cusub ee gobolkaas ayaa waxaa loo magacaabay Cabdi Faarax Laqanyo.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles