Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada madaxweynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa kusii jeeda magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa magaalada Nairobi kaga qaybgalaya caleema saarka madaxweynaha cusub ee wadanka Kenya Uhuru Kenyatta oo dhawaan ku guuleystay xilka madaxtinimo ee wadanka Kenya,waxaana waftiga madaxweyne Xasan Sh. garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusii sagootiyyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowlada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa ka mid ah madaxweynayaal badan oo ka kala socda wadamada qaarada Afrika kuwaas oo ku qulqulaya magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya halkaas oo ay maanta ka dhacayso xaflada caleema saarka madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta.
Safarka madaxweynaha ee dalka Kenya ayaa qaadan doona muddo ku siman hal maalin iyadoona marka ay soo idlaato xaflada caleeema saarka madaxweyaha Kenya Kenyatta lagu wado in waftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ay dib ugu soo noqon doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho