Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Soomaaliya aysan aqbali doonin in Baasaboorka Soomaaliya la diido madaxweynaha ayaa sheegay in wadamada qaar ay iska diideen Baasaboorka Soomaaliya taasine aysan ahayn mid sax ah maadaama ay dalka ka dhalatay dowlada aan ku meelgaar ahayn.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qiimo dhaca Baasaboorka Soomaaliga ay ka danbeeyeen Soomaalida oo sida uu sheegay ka gaabiyey dhowrida sharafta Baasaboorka Soomaaliyeed,madaxweynaha ayaa sheegay in xiligan ay Soomaalidu dhibaato ku qabaan adeegsiga Baasaboorka Soomaaliga kadib markii ay diideen wadamada qaarkood.
Madaxweyne Xasan Sh. Max’uud ayaa tilmaamay in dalalka qaar marka ay arkaan qof sita Baasaboorka Soomaaliga ay ku xukmiyaan inuu yahay argagixiso isla markaane laga aaminay fikir qaldan,wuxuuna intaa ku daray wadamada caalamku aysan ogoleen in Fiiso la’aan lagu galo dalalkooda halka kuwo kalane ay waraaq u jaraan kuna lifaaqaan Baasaboorka Soomaaliga taasoo muujineysa sida aysan u qiimeynen Baasaboorka Soomaaliga.
Xasan Sh. madaxweynaha dalka ayaa sheegay iney dadaal ugu jiraan sidii ay usoo nooleyn lahaayeen sharaftii iyo qiimihii uu lahaa Baasaboorka Soomaaliga mardhowne ay rajeynayaan in Baasaboorka Soomaaliga ay wada aqoosadaan wadamada aduunka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho