Washington(RBC Radio) Dowlada wadanka Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday iney dalka Soomaaaliya ku taageereyso agab milateri iyo tababaro ay siinayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya war kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Mareykanka Obama ayaa lagu sheegay in Mareykanku go’aansaday inuu ciidamada Soomaaliya qalabeeyo.
Mareykanka ayaa sheegay iney Soomaaliya ugu deeqayaan taageeradan milateri si ay ciidamada Soomaaliyeed u hantaan sugida amniga dalka Soomaaliya,hadalka kasoo baxay madaxweyne Obaamaha dalka Mareykanka ayaa waxaa si dhaqso ah xoghayaha arimaha dibada loogu amray inuu meel mariyo go’aanka Madaxweynaha.
Warka kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Mareykanku ay talaabadaas u qaaday si ay u muujiso taageerada ay u hayso dowlada Soomaaliya,Mareykanka ayaa intaa ku daray in qalabeynta ciidamada Soomaaliya ay uga gol leeyihiin sidii loo xoojin lahaa cududa ciidamada Soomaaliya si ay u hantaan amniga dalka ulana dagaalamaan kooxaha uu Mareykanku ugu yeero argagixisada.
Dowlada Mareykanka ayaa hore taageero dhaqaalo u siin jirtay dowlada Soomaaliya iyadoona dhanka qalabka milateri ka taageeri jirtay ciidamada AMISOM,tan iyo markii la qaaday xayiraadii hubka ee saarneed Soomaaliya ayaa waxaa soo kordhaya wadamada beesha caalamka ee Soomaaliya ugu yaboohaya agabka milateri.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho