Muqdisho(RBC Radio) Hay’ada culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah alshabaab afhayeenka hay’ada culimada Soomaaliyee Sh. Nuur Baaruud Gurxan ayaa ka dhawaajiyey arintaas,wuxuuna ugu baaqay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed iney u diyaargaroobaan dagaal adag oo ay ku qaadaan alshabaabka ka dagaalamaya Soomaaliya.
Sheekh Nuur Baaruud ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin Musiibo ka weyn alshabaab oo soo martay umada Soomaaliyeed isagoona tibaaxay in dhibaatada alshabaab xitaa ay ka daran tahay dhibaatooyinkii ay dalka ka geysteen gumeystayaashii shisheeyey ee dalka qabsaday iyo hogaamiyo kooxeedyadii shacabka iskaga hor keenay qabyaalada.
Afhayeenka hay’ada culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa alshabaab ku eedeeyey iney ku hawlan yihiin sal kicinta umada Soomaaliyeed,wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo qabto shir weyne ay gar wadeen ka yihiin culimada Soomaaliyeed kaasoo looga tashanayo sidii alshabaab loo dabar goyn lahaa.
“Alshabaab waxay la mid yihiin Bam Atoomig ah,waxayna u taagan yihiin baabi’inta umadeena Soomaaliya,mana aha inaan indhaha ka daawano falalka cadowtooyada leh ee ay inagu hayaan,waa inaan dagaal kala hortagaan iskana dul qaadnaa dhibaatadooda” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud afhayeenla hay’ada culimada Soomaaliyeed.
Hadalka afhayeenka culimada Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xili shalay la isku dayey in la khaarajiyo gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed Sh. Bashiir Axmed Salaad oo ka badbaaday weerar la damacsanaa in lagu dilo kaasoo aan geysan wax khasaare ah marka laga reebo burbr soo gaaray qeybaha danbe ee gaarigii uu watay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho