Muqdisho(RBC Radio) Hay’ada culimada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ururka alshabaab ay isku hayaan dhibaatadii ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed gudoomiyaha hay’adaha culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayey arinta ku saabsan dacwada ka dhanka ah Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Godane ee loo gudbiyey Hogaanka sare ee Al-qaacida.
Sh. Bashiir Axmed ayaa sheegay in alshabaab ay dhibaato aan yareen u geysteen shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay dileen sida uu sheegay Aqonyahanadii.Dhaqaatiirtii,Saraakiishii ciidan,Culima udiinkii iyo guud ahaan indheergaradkii bulshada Soomaaliyeed ay hada bilaabeen iney dhexdooda is dhibaateeyaan.
Sheekha ayaa ku nuuxnuuxsaday in alshabaab markii ay ka daaleen waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed ay dhibkii iyagu markan iskula jeesteen sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna tibaaxay in khilaafka weyn ee ka dhex jira saraakiisha alshabaab uu yahay mid muddo soo jiitamayey balse xiligan uu marayo halkii ugu darneed.
Gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu danbeyntii alshabaab ugu baaqay iney ka waantoobaan dhibaatada ay faraha kula jiraan isla markaane ay dhibaatada ka daayaan shacabka Soomaaliyeed,kuna soo biiraan bulshadooda Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho