Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta G/Hiiraan oo ka Biyo diiday Xil ka qaadista lagu sameeyey Maamulkii Gobolkaas

$
0
0

Beledweyne(RBC Radio) Gudoomiye ku xigeenkii  dhanka siyaasada  maamulka gobolka Hiiraan  ayaa kasoo horjeestay  xil ka qaadista ay dowlada Soomaaliya ku samaysay maamulkii uu ka tirsanaaCadaawe Cilmi Nuur oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasada maamulkii hore ee gobolka Hiiraan ayaa si kulul uga jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey.

Cadaawe Cilmi ayaa sheegay inuu warbaahinta ka maqlay arinta la xiriirta isbedelka lagu sameeyey maamulka gobolka Hiiraan wuxuuna sheegay inuusan aqbali doonin xilka qaadista lagu sameeyey isagoona u aaneeyey inaan loosoo marin wadadii saxda ahayd ee loo baahnaa iney dowladu marto inta aysan xilka ka qaadin maamulka gobolka Hiiraan.

Wuxuuna ku tilmaamay arimaha ka socda magaalada Beledweyne mid ay wataan dad gaara oo ka tirsan beelaha dega gobolka  Hiiraan wuxuuna meesha ka saaray inuu u hogaansamo arintaas oo uu ku sheegay iney tahay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin aan u adeegeen horumarka gobolka Hiiraan.

Hadalka kasoo yeeray gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay magaalada Beledweyne ay gaareen wafti wasiiro ah oo ka socda xukuumada Soomaaliya kuwaas oo halkaa u tagay sidii ay isbedel ugu samayn lahaayeen maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles