Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho(RBC Radio) Wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa ka digtay in la qaado lacago sharci darro ah oo aysan ka war hayn wasaaradu wasiirka wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta xukuumada Soomaaliya Max’uud Xasan Saleebaan ayaa daboolka ka qaaday in tallaabo adag laga qaadi doono cidii isku dayda iney qaado lacago canshuuro ah oo aysan ka warqabin wasaarada Maaliyada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dib loo soo celiyo Jidgooyooyinkii ay hore dowladu ugu guuleystay in la qaado iyo lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray magaca dowlada Soomaaliywa wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo gaaray war sheegaya in Jidgooyo Taalla degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe lacago fara badan lagu qaado laguna sheegay iney hoos tagto wasaarada Maaliyad.
Wuxuuna sheegay in markii warkaasi soo gaaray uu darba go’aan kasoo saaray arintaas oo uu sheegay iney tahay been abuur isla markaane wuxuu amar ku bixiyey in Jidgooyadaasi goobta laga qaado.isagoona digniin adag u diraya dadka ku haminaya iney dib u soo celiyaan Isbaarooyinkii laga nadiifiyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo deegaanada ku xeeran.
Max’uud Xasan Saleebaan wasiirka Maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa dhanka kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iney bixiyaan canshuurta dowlada, isla markaane ay dowladu u sahli doonta bixinta canshuuraha dalka si dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabto.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho