Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirkii IGAD ee looga arinsan lahaa Amniga Soomaaliya oo Baaqday

$
0
0

 

Addis ababa(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Addis ababa ee caasimada wadanka Ethiopia ayaa ku waramaya inuu baaqday shirkii ay yeelan lahaayeen madaxda urur goboleedka IGAD ee looga hadli lahaa xaaladihii amaan ee ugu danbeeyey dalka Soomaaliya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in dib u dhaca shirka ay ka danbeysay kadib markii dowlada Kenya ad dalbatay dib u dhigida shirka IGAD ee looga wada tashan lahaa xaaladaha amni ee dalka Soomaaliya,Kenya ayaa laga soo xigtay iney iyadu masuul ka ahayd baaqashada shirka.

Kenya ayaa sheegtay iney dooneyso in madaxda wadamada urur goboleedka IGAD ay ka qayb galaan Dhaarinta madaxweynaha cusub ee  wadanka  Kenya Uhuru Kenyatta oo dhawaan ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday wadanka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa damacsan in marka ay soo dhamaato xaflada dhaarinta madaxweyne Uhuru Kenyatta dib loo amba qaado shirka IGAD ee diirada lagu saarayo amniga  dalka Soomaaliya,mana jiro waqti cayiman oo loo qabtay qabsoomida shirka IGAD ee baaqashadu ku timi.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles