Muqdisho(RBC Radio) Wasaarada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney qorsheynayso sidii ay dhamaan shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihiin wasiirada wasaarada adeega bulshada xukuumada Soomaaliya Drs Maryam QAasim ayaa ka dhawaajisay arintaasi.
Maryam Qaasima ayaa daboolka ka qaaday in wasaarada adeega gaar ahaan waaxda caafimaadku ay dajisay qorshe ay sheegtay inuu qof walba oo Soomaali ah xarun caafimaad loogu geynayo meel walba oo ay joogaan sida degmooyinka ,deegaanada iyo tuulooyinka.
Wasiirada ayaa sheegtay in qorshahaas ay horaanba bilaabeen hirgalintiisa iyadoona hooska ka xariiqday in wasaaradu ay xubno ka tirsan u dirtay gobolada dalka si ay usoo qiimeeyaan xaaladaha caafimaad ee gobolada iyo sida ugu haboon ee loo hirgalin karo qorshaha wasaarada adeega ee ah in mawaadin walba oo Soomaali ah uu helo adeegga caafimaad ee uu u baahan yahay.