Mahadaay(RBC Radio) Shacabka ku dhaqan deegaanada hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa soo food saartay dhibaato ka dhalatay fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle ee mara degmadaas wararka laga helayo Mahadaay ayaa ku waramaya in roobabkii ugu danbeeyey ee ka da’ay deegaanadaas ay sababeen in biyaha wabiga ay qarqarada soo jabiyaan.
Qaar kamid ah dadka deegaanka degmada Mahadaay ayaa warbaahinta u sheegay in intii badneen shacabkii ku dhaqnaa halkaas ay iskaga barakeceen guryahooda kadib markii ay saameeyeen fatahaada uu sameeyey wabiga Shabeelle.
Fatahaadaha ayaa ka dhashay kadib markii uu wabigu buux dhaafay iyadoona ay xusid mudan tahay in wabigu uusan lahayn goobo biyo xireen ah kuwaas oo xiliyada fatahaadaha lagu xakameeyo xawliga biyaha faraha badan ee wabiga kasoo baxa kuwaas oo dhibaato ba’an gaarsiiya dadka ku dhaqan wabiga daafihiisa.
Daadadka ka dhashay fatahaada uu sameeyey wabiga Shabeelle ayaa lasoo sheegayaa iney barakiciyeen boqolaal qoys kuwaas oo lasoo sheegayo iney aqaladoodii ay la tageen biyaha wabiga xiligane ay dhibaato ku haysato deegaanadaas,waxayna ka dalbanayaan dowlada Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka in caawinaad lala gaaro si ay uga samata baxaan dhibaatada ka dhalatay fatahaada wabiga Shabeelle ee saamaynta ku yeelatay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho