Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Golaha wasiirada Soomaaliya Muqdisho ku yeeshay kulan aan caadi ahayn

$
0
0

Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa xalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay qasriga madaxtooyada Villa-Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kulanka oo saacado fara badan qaatay ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay wasiirka warfaafinta dowlada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in kulanka golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya looga wada hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladaha dalka,wuxuuna sig gaar ah u taabtay shirka  bisha May ka dhici doona magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska.

Wuxuuna sheegay in shirkaas ajandihiisa ugu weyn uu yahay sida beesha caalamku ay isku barbar taagi karaan dowlada cusub ee Soomaaliya isla markaane ay ka taageeraan dib u dhiska dalka Soomaaliya oo muddo 22 sano ah kusoo jiray burbur iyo dagaalo sokeeye oo aan kala joogsi lahayn.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in markii beesha caalamku ay aragtay tallaabooyinka cad cad ee ay qaaday dowlada Soomaaliya mudadii koobneed ee ay jirtay oo ay ka mid yihiin adkeynta amniga,kor u qaadista dhaqaalaha dalka iyo dib u bahaynta garsoorka dalka ay go’aansadeen in dowlada Soomaaliya ay mudan tahay in la garab istaago.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles