Balanballe(RBC Radio) Xaalado caafimaad xumo ayaa laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalado caafimaad darro oo lasoo dersay shacabka ku dhaqan deegaankaas iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Balanballe(RBC Radio) Gudoomiyaha deegaanka Balanballe Hareeri Xasan Barre ayaa sheegay in xaaladaho nolol xumo oo aad u liidata ay ka jirto deegaankaas wuxuuna sheegay in deegaanka Ballanballe ee gobolka Galgaduud aysan ka jirin xarumo caafimaad oo lagu dabiibo dadka ay xanuunadu soo ritaan ee ku nool deegaankaas.
Hareeri Xasan Barre ayaa sheegay in cudurada ugu badan ee hada ay la ildarn yihiin shacabka ku dhaqan deegaanka Balanballe ay yihiin Malaariyada(Duumo) iyo cudurka Shuban-biyoodka isagoona tilmaamay in dad fara badan ay soo riteen cuduradaasi kuwaas oo aan haysan daryeel caafimaad iyo goob lagula tacaalo xaaladahooda caafimaad.
Gudoomiye Hareeri ayaa baaq u diray dowlada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada adeega bulshada iney si deg deg ah uga soo jawaabto dhibaatada baaxada leh ee haysata shacabka ku dhaqan deegaanka oo uu sheegay iney u badan yihiin barakacayaal xoolo dhaqato ahaa kuwaas oo abaarihii dalka ka dhacay ku xoola beelay kadibne maciin biday iney magaalooyinka u soo hayeemeen.
Hareeri Xasan Barre ayaa sidoo kale hay’adaha gargaarka ka dalbaday iney gurmad deg deg lasoo gaaraan dadka ku tabaaleysan deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho