Muqdisho(RBC Radio) Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ka bixida ciidamada Ethiopia deegaanadii ay ku sugnaayeen qaarkood ay dhaawacayso dowlada Soomaaliya taliyaha ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in hadii ciidanka Ethiopia ay ka baxaan Soomaaliya xiligan ay caqabad ku tahay dowlada federaalka Soomaaliya.
Cali Aadan Xumud taliyaha ciidamada AMISOM ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney isku hawsho sidii ay wada hadal ula qaadan lahaayeen madaxda dalka Ethiopa si ay ugala hadlaan in ciidankoodu ay kusii sugnaadaan gudaha Soomaaliya tan iyo inta laga diyaarinayo ciidan qaran oo ay Soomaaliya yeelato oo awood u yeesha hanashada amniga dalka.
Wuxuuna meesha ka saaray in bixitaanka ciidamada Ethiopia uu saamayn ku yeelanayo hawlgalka AMISOM isagoona tibaaxay iney si gaar ah isha ugu hayaan deegaanadii ay baneeyeen ciidamada dalka Ethiopia kuwaas oo uu sheegay iney geynayaan ciidan suga amniga shacabka ku nool goobahaas.
Taliyaha ciidamada AMISOM Col. Cali aadan Xumud ayaa intaa ku daray in ciidamada nabad dhaliyaasha midowga Afrika ee AMISOM ay mar walba u taagan yihiin taageerida shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed isla markaane ay dalka ka saarin doonaan kooxda alshabaab ee dagaalka kala horjeeda dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho