Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka faa’iideystaan khayraadka uu Ilaah ku maneystay dhulka Soomaaliyeed madaxweynaha ayaa daboolka ka qaaday in Soomaaliya ay ka buuxaan khayraad kala duwan shacabka Soomaaliyeedne looga baahan yahay iney ka faa’iideystaan khayraadkaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jiraan Macaadin kala duwan,Dahab iyo Shidaal,Kalluun,Dhul-beereed iyo Xoolo nool oo uu sheegay ineysan haysan dad badan oo caalamka dushiisa ku dhaqan,wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in Soomaaliya oo ay ku jiraan khayraadka intaa la eg in hadane ay shacabka Soomaaliyeed ku tiirsanaadaan deeqaha shisheeye.
Xasn Sh. madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in hadii umada Soomaaliyeed ay ka faa’iideysato khayraadka dalkooda ku jira ay ka maarmi doonaan kaalmada ay ku tiirsan yihiin,wuxuuna dhanka kale ka digay in la kala sheegto hantida iyo khayraadka ku jira ciida SOomaaliyeed oo uu sheegay iney u wada siman yihiin guud ahaan Soomaalidu.
Madaxweynaha ayaa ku taliyey in shacabku aysan isku mashquulin kala sheegashada hantida balse arinka lagama maarmaanka ah uu yahay in umadu ay ka fekerto sidii ay u maamulan lahayd ulana soo bixi lahayd khayraadka Ilaah dalka ku maneystay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho