Garbahaarey(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay dagaal maanta ka dhacay meel duleedka ka ah magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo saraakiisha hogaaminaya ciidamada xooga dalka ayaa sheegay iney dagaalkaas ku jabiyeen alshabaab Max’ed Axmed Cali oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dowlada ayaa sheegay iney alshabaab dagaalka ku gaarsiiyeen khasaaro fara badan.
Sarkaalkan ayaa tilmaamay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay saaka duulaan ku qaadeen deegaan 10-Km u jira magaalada Garbahaarey halkaas oo uu sheegay iney fariisin ku lahaayeen alshabaab isla markaane ay dagaalo kaga soo qaadi jireen magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Max’ed Axmed ayaa sheegay iney galeen goobtii ay ku sugnaayeen alshabaab isla markaane ay dagaalka ku dileen 7 ka tirsanaa ciidanka u dagaalama alshabaa.
Wuxuuna tilmaamay in dagaalka ay qaadeen ciidamada dowlada uu salka ku hayey sida uu sheegay kadib markii sida uu tilmaamay deegaanka ay weerarka ku qaadeen ay alshabaab marar badan kasoo qaadeen weeraro madaafiic ah iyo dagaalo toos ah oo ay kusoo qaadayeen magaalada Garbahaarey si ay arintaa usoo afjareene ay saaka duulaanka ugu qaadeen halkaas.
Wuxuuna shaaca ka qaaday iney sii wadi doonaan dagaalada ay ku qaadayaan goobaha ay gobolka Gedo kaga sugan yihiin alshabaab isagoona intaa ku daray in maalmihii danbe uu magaalada Garbahaarey ka socda shir ay lahaayeen saraakiisha ciidanka kaasoo lagu diyaarinayey Istaraaatiijiyadii alshabaab looga qabsan lahaa deegaanada ay gobolka kaga sugan yihiin.
RBC Radio
Muqdisho