Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

AMISOM oo ku Hawlan Qaboojinta Xiisado Colaadeed oo ka taagan Deegaanka Kabxanley

$
0
0

 

Beledweyne(RBC RAdio) Ciidamada AMISOM ayaa saaka ku baxay sidii loo xalin lahaa khilaaf gacan ka hadal isku bedelay oo u dhexeeya dadbeeraley ah oo ku dhaqan deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan dagaal dhexmaray Beeraleyda ayaa la sheegayaa iney ku murmeen lahaanshaha dhulbeereed deegaanka ku yaallay 3 ruux ayaa lasoo sheegayaa iney dagaalka ku dhaawacmeen.

Ciidamada Hiil-walaal ee ka socda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka ku baxay qaboojinta xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Deegaanka uu gacan ka hadalku ka dhacay ayaa hada waxaa ka socota waan waan ay wadaan ciidamada dalka Jabuuti ee kusgan gobolka Hiiraan iyo maamulka gobolka oo iskaashanaya sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha maamulka magaalada Beledweyne Max’ed Xasan Nuuriye.

Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa lasoo sheegayaa iney kala dhexgaleen  isla markaane ay kala qaadaan Maleyshiyadii dagaalku dhexmaray oo la soo sheegayo iney goobta isku horfadhiyeen intii aysan gaarin ciidamada Jabuuti iyo xooga dalka.

Deegaanka Kabxanley ayaa ku yaallay xuduudka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Ethiopia maleyshiyaadka dagaalamay ayaa la sheegay in dagaalkodu uu salka ku hayo muran ku aaddan lahaanshaha dhul beereed ku yaalla deegaanka kaasoo ay labada dhinacba ku doodayaan lahaanshihiisa.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles