Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Gobolka Baay oo ka Warbixiyey Xaaladaha Ammaan ee Gobolka

$
0
0

Baydhabo(RBC Radio) Maamulka cusub ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyeyxaaladaha amni,nolol iyo horumar ee gobolka Baay oo dhawaan loo dhaariyey gudoomiyaha maamulka gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo warbaahinta la hadlayey ayaa ka waramaya xaaladaha gobolka Baay ee uu gudoomiyaha ka yahay.

Wuxuuna sheegay in maamulkiisu uu isku hawlay sidii loo abaabuli lahaa bulshada gobolka Baay si ay iyagu ugu dhiiradaan iney noqdaan dad isku tashada kana qayb gala horu marka la doonayo in gobolku uu ku tallaabsado waqtiga dhow.

Gudoomiye Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in markii la magacaabay maaamulkiisaba uu bilaabay wadatashiyo uu la furay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Baay sida ururada dhalinyarada,Haweenka,Culima udiinka,odayaasha dhaqanka,Aqoonyahanada iyo waxgaradka gobolkaas.

Wuxuuna tibaaxay in dhamaan bulshadii ay la kulmeen ay isla qaadaa dhigeen sidii dadka deegaanka uu uga qayb qaadan lahaa sugida amniga deegaanada gobolka wuxuuna shaaca ka qaaday in marka la sugo nabadgalyada gobolka ay bilaaban doonaan mashaariicda horumarineed  balse waxa uu sheegay in hadii aan amni la helin ineysan suurta gal ahayn in horumar lagu talaabsado.

Cabdi Aadan gudoomiyaha maamulka gobolka Baay ayaa intaa ku daray in maamulkiisa ay wax badan u qabsoomeen mudadii koobnaa ee ay xilka hayeen wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey iney gacanta si buuxda ugu qaban doonaan amniga gobolka oo ay hada meelo ka mid ah ku sugan yihiin alshabaab.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles