Addis ababa(RBC Radio) Shirka wasiirada arimaha dibada wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa maanta ka furmaya magaalada Addis ababa ee caasimada wadanka Ethiopia waxaana halkaa kusii qulqulaya madaxda ka qaybgalaya shirkaas.
Shirka ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Marwo Fowziya Yuusuf XAaji Aadan iyo wafti ay hogaamineyso,ajandayaasha shirka ayaa waxaa ugu weyn xaalada dalka Soomaaliya.
Waxaana shirka lagu wadaa in looga wada arinsado isla markaane la iska wareysto waxyaabihii ka qabsoomay go’aano iyo heshiisyo ay hore u gaareen madaxda urur goboleedka IGAD iyo sidii loo dhameystiri lahaa waxtyaabaha ka dhiman go’aanadii hore loo gaaray ee ku saabsanaa xasilinta Soomaaliya.
Waxaana ka mid ahaa go’aanada ay hore qalinka ugu duugeen madaxda IGAD in xasilinta dalka Soomaaliya ay masuul ka yihiin wadamada Kenya iyo Ethiopia heshiiskaas ayaa waxaa la isku raacay xiligii ay dalka Soomaaliya ka arimineysay dowladii kumeelgaarka ahayd ee uu hogaaminayey Alle ha u naxariistee madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.
Wasiirada arimaha dibada ayaa sheegtay in dowlada cusub ee Soomaaliya ay kasoo horjeedo go’aanadii hore loo gaaray ee ku saabsanaa in nabadeynta Soomaaliya ay masuul ka yihiin wadamada Eyhiopia iyo Kenya waxayna tibaaxday in Soomaaliya ay xiligan tahay dowlad xor ah oo ka baxsady kumeelgaarnimadii sidaas darteedne ay iyadu masuul ka tahay xasilinta nabadgalyada dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho