Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Maamulka Puntland oo Dowlada Federaalka ka dalbaday in laga gacan siiyo la dagaalanka Alshabaab

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Muqdisho(RBC Radio) Maamulka Puntland ayaa ka codsaday dowlada Soomaaliya in laga gacan siiyo la dagaalanka ururka alshabaab wasiir ku xigeenka wasaarada Cadaalada maamulka Puntland Yuusuf Axmed Khayr ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya inaan lagu daawan duulaan uu sheegay in alshabaab ay ku qaadeen deegaanada maamulka Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Cadaalada maamulka Puntland ayaa hadalkaas ka dhawaajiyey xili uu shalay hadal ka jeedinayey xiritaanka shirkii dib u habaynta garsoorka dalka ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wuxuuna ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh oo madasha goob joog ka ahaa in maamulka Puntland laga taageero dhinacyada garsoorka iyo amniga si ay uga guuleystaan alshabaab.

Wuxuuna sheegay in deegaanada maamulka Puntalnd ay ka jiraan baahiyo fara badan oo dhanka garsoorka ah isagoona ka dalbaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya inuu si deg deg ah maamulka Puntland usoo gaarsiiyo dhaqaale iyo sharci yaqaano ku xeel dheer arimaha garsoorka si loo tayeeyo garsoorka Puntland.

Yuusuf Axmed Khayr wasiir ku xigeenka Cadaalada Puntland ayaa ku celceliyey in dowlada Soomaaliya ay u istaagto ka taageerida Puntland la dagaalanka alshabaab oo uu sheegay in markii looga adkaaday gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya ay u wareegeen deegaanada Puntland oo ay fariisimo cusub ka samaysteen loona baahan yahay si  dhaqso ah wax looga qabto qatartooda.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles