Dhuusamareeb(RBC Radio) Culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ayaa ka warbixiyey halka uu marayo heshiiskii ay langaareen dowlada Soomaaliya gudoomiyaha gudiga talada ahlu sunna waljamaaca Sheekh Cumar C/qaadir ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo heshiiskii ay kala saxiixdeen ahlu sunna iyo dowlada Soomaaliya.
Sheekh Cumar C/qaadir gudoomiyaha talada culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ayaa tibaaxay in heshiiskii ay ku gaareen degmada Caabudwaaq dowlada iyo ahlu sunna uu ahaa bilow wanaagsan isla markaane loo ballamay dhaqan galinta qodobadii ay sida wada jirka ah u saxiixeen.
Wuxuuna tilmaamay in dowlada culeyso badan oo haysta awgeed uu dhamaytirka heshiiska oo ku xirnaa in la magacaabo gudi isku dhaf ah oo ka shaqeeya dhaqan galinta heshiiska kaasoo uu sheegay iney saamayn badan ku yeelatay safarada isdaba jooga ah ee R/wasaaraha dalka uu ku marayo gobolada dalka iyo gobolka geesk Afrika.