Addis ababa(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ku guda jira safarkiisa uu ku marayo wamada gobolka geeska Afrika oo uu hada lugtii labaad ku joogo magaalada Addis ababa ayaa daboolka ka qaaday in dhamaan deeqaha ay hesho dowlada Soomaaliya ay si siman u wada gaari doonaan gobolada dalka ee ay gacanta ku hayso dowlada Soomaaliya.
Raysal wasaare Saacid ayaa sheegay in deeq walba oo soo gasha gacanta dowlada iney si isku mid ah u wadaagi doonaan gobolada dalka oo idli balse aysan noqon doonin mid ku koobnaata magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo kaliya.
Cabdi Faarax Raysal wasaaraha dalka ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Soomaaliya aysan ahayn dowlada Muqdisho balse ay tahay dowlada Soomaaliya oo dhan sidaas darteedne ay waaajib ku tahay in wax kasta oo loogu deeqo ay wada helaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
R/wasaaraha oo ku sugan magaalada Addis ababa ee caasimada wadanka Ethiopia ayaa waxaa lagu wadaa inuu halkaas kulamo kula qaato madaxda ugu sareysa dalkaas,waxaana la filayaa inuu kalo hadlo arimo ku aaddan ka bixitaanka ciidanka Ethiopia ee deegaanada qaar waxa kusoo beegay xiligan xasaasiga ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho