Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa sheegay iney kor u qaadayaan mushaharaadka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowlada Soomaaliya xili uu shalay ka hadlayey xiritaanka shir weynihii ka wada tashiga garsoorka dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey ayaa shaaca ka qaaday iney kordhin doonaan mushaharaadka ciidamada qalabka sida xili uu sheegay iney dowlada haystaan dhibaatooyin dhaqaale.
Madaxweyne Xasan Sh. Max’uud ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay go’aansatay iney kor u qaado Gunooyinka ay qaataan dhamaan shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyda wuxuuna tilmaamay iney hore u dhaqan galiyeen mushahar kordhinta shaqaalaha rayidka ah ee dowlada.
Wuxuuna tibaaxay in dowladu ay qorsheynayso iney kor u qaado mushaharaadka ciidamada ooga dalka isagoona farta klu goday in dowladu ay ku hawlan tahay kor u qaadista mushaharaadka ciidanka si ay hawshooda si hufan ugu gutaan.
Xasan Sheekh Max’uud ayaa iclaamiyey in dabayaaqada bishan aan ku jirno ay si rasmi ah u dhaqan galinayaan,wuxuuna dhanka kale carrabka ku dhuftay dhibaatada dhaqaale ee haysata dowlada Soomaaliya wuxuuna tilmaamay in Miisaaniyada dowlada ee sanadka ay tahay 114 Milayn oo Doolar taasoo uu sheegay ineysan kaafin karin baahida dowlada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho