Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo waxaa maantay shir-saxaafadeed ku qabtay Xubnaha wakiilka oga ah magaalada Gaalkacyo urur siyaasadeedka Midnimo ee ka mida lixda urur siyaasadeed ee Puntland waxana ay shirkoda ku soo dhaweeyay hadalkii shalay ka soo yeeray xafiisyada dhexe ee ururada Midnimo iyo Udad ee Garoowe,waxana ay intaasi ku dareen go’aanka inay la qabaan masuuliyiintooda ka saraysa.
Daahir Muuse Xuseen gudodomiyaha xafiiska Midnimo ee Gaalkacyo oo hadalka hor qatay ayaa sharaxay shirka ay ku qabtaan Gaalkacyo, waxana uu sheegay inay uga goleeyihiin sidi ay uga hadli lahaayen go’aanki ay gareen masuuliyintoda sarsare waxana uu intaasi ku daray in ay wanagsan tahay in la meel mariyo waxyaabihii horay loogu heshiiyay walow xiligaan ay sanjirin wax laga dhabeeyay inkasto uu tilmaamay in haddii aan laga dhabayn khaladaad ay ka dhalan karaan.
Dhinaca kale waxaa isna dhankisa kahadlay shirkaan guddoomiyaha golaha dhexe ee ururka Midnimo Axmed Sheekh Faarax waxana isna dhankisaa sheegay inay la fikir yihiin masuuliyintoda sare kuwaasi oo qadacay arimahaa ay xiligaan iyagu kahadlayaan,intaas ka dib ayuu akhriyay qodobada nuxurka shirkooda isagoo rumeynayey go’aamadii masuuliyiinta ururka shalay ay ka soo saareen Garoowe tasi oo tilmaamay inay ku racayaan.
Gabagabadi ayaa isna waxaa meshaa hadal kasoo jeediyay Axmed Maxamed Faarax xoghayaha ururka Midnimo ee xafiiska Gaalkacyo kaasoo wax lagu xumado ku tilmaamay in hamigii la qabay xiligan hoos looga dhaco lana dhinac maray qodobadii horay loogu heshiiyay.
Kulankaan ayaa kusoo adaya kadib markii maalinti shalay aheeyd magaaladda Garoowe kulan ay ku qaaten masuuliyinta sar sare ee Ururada Midnimo iyo Udad.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo