Muqdisho(RBC Radio) Xaflada xiritaanka shir weynihii qaran ee looga arinsanayey dib u habaynta garsoorka dalka oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa hada si toos ah uga socota hoolka shirarka ee Hoteelka Jaziira halkaas oo afartii cisho ee ina dhaaftay uu shirkani ka socday.
Waxaana madasha uu shirku ka socdo hada gaaray madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’uud oo isagu si rasmi ah usoo xiraya shirka marka uu dhegeysto war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.
Gudiyadii afarta ahaa ee loo saaray arimaha garsoorka intii uu shirku socday ayaa xiligan soo gudbinaya waxyaabihii u qabsoomay iyo talooyinka ay soo jeedinayaa,waxaana la filayaa in daqiiqado kadib gabi ahaanba shirka lasoo afmeero.
Shirka ayaa waxaa lagu wadaa iney kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah oo wax badan ka bedela marxalada garsoorka xiligan ka jirta dalkeena Soomaaliya ay loo jeedinayo dhaliilo fara badan,Madaxweyne Xasan Sh ayaa hada ku sugan Hoteelka uu shirku ka soconayo ee Jaziira guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo isha ku haya shirka ayaa wada dhowraya waxa ay noqon doonto natiijada kama danbeynta ah ee ay isla meel dhigaan ergooyinkii faraha badnaa ee shanta maalmood Muqdisho ku shirsanaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho