Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20264

Qarax Askar Waxyeelo u Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Buuloburde Ee Gobolka Hiiraan

$
0
0

Dhaqdhaqaq1Buuloburde (RBC) Qarax miino oo wadada la dhigay ayaa maanta ka dhacay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee dalka Jabuuti ee ku sugan halkaasi.

Qaraxa miinada ayaa ka dhacay meel u dhexeysa magaalada iyo garoonka diyaaradaha ee ay dhowaan sameeyeen ciidamada Jabuuti kasoo sahayda ciidanka laga soo dejiyo. Waxaana qaraxa uu ku dhacay baauur ka mid ah kuwa ciidamada oo markaasi ka soo laabtay garoonka diyaaradaha oo ay maanta timid diyaarad helicopter a oo sahay u geysay ciidamada ku sugan Buuloburde.

Saraakiisha ciidamada dawlada ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ugu yaraan saddex askari oo ciidamada Jabuuti ay ku dhaawacmeen qaraxa miino iyadoo baabuur ay ciidamada watena ay ka soo gaartay dhibaato miinada.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada Soomaalida waxay qabteen dhowr ruux oo meesha ka dhowaa kuwaasoo loo kexeeyay saldhiga booliska ee Buuloburde.

Qaraxan ayaa lagu eedeeyay kooxda Al Shabaab oo weli cunaqabateyn ku heysa deegaano ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Bakool oo ay ka saareen ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM.

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20264

Trending Articles