Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20222

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo daahfuray Mashruuca Lagu dhisayo Airporka Boosaaso(Sawirro)

$
0
0
Madaxweyne Gaas oo daahfuray Mashruuca Airporka Bosaso

Madaxweyne Gaas oo daahfuray Mashruuca Airporka Bosaso

Boosaaso(RBC Radio) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta oo arbaco ah si toos ah u daahfuray Mashruuca Lagu dhisayo Airporka magaaladda Boosaaso.

Munaasabadii lagu furayey Mashruucan ayaa,waxaa ka qeybgalay Xubno ka kala socday Saddexda Golle ee Dawladda,Issimo,Waxgarad,Haween ,Culuma’udiin,Saraakiil ka socotay dhanka qanadaraasyada Talyaaniga ”UNOPS”maamulka degmada,gobolka iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka Jeediyey Munaasabada ayaa sheegay in mashruucan Airporka Boosaaso soo maray marxalado kala duwan maantana la joogo mira-dhalkiisii.

DSC_8082Mudane Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tilmaamay in dhameystirka Airporku noqon doono mid ka dhaxeeya Ummada Soomaaliyeed oo idil.

Wuxuu si toos ah ugu dhawaaqay in Qandaraaska dhismaha Airporka la siiyey Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha isla markaana ah mida dhistay Jidadka u dhaxeeya Tanzaniya iyo Zambiya.

…….”” Waxanu siinay Mashruucaan Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo China Civil Engineering Constraction Corporation (CCECC),waa Kambani aad u weyn,waana kambanigii dhisay jidka xadiidka ah ee u dhaxeeya Tanzaaniya iyo Zaambiya……”’ayuu yiri Dr Gaas.

Shirkadda China Civil Engineering Constraction Corporation (CCECC) qaabka lagu doortay mar uu ka hadlaayey ayuu sheegay iney yihiin kuwa ka kharash yaraa shirkadihii tartanka ku jiray isla markaana ay yihiin shirkad waxqabadkeeda lasoo arkay.

DSC_8117……….””Sababta aanu u dooranay waxay ahayd lacagta loogu talagalay Garoonka Cida ugu dhow ee sheegatay ayuu Kambanigu ahaa,Dowlada iyo shacabka Puntland lacag yar ayaa kaga soo aadaysa oo mashruuca lagu kaabayo……”’ayuu yiri.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay bulshada qeybahooda kala duwan iney ku dadaalaan Nabadgelyada Shirkadda dhiseysa Airporka Boosaaso.

………”” Masuuliyiinta kambaniga ninka ugu sareeyana waxa uu ii sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay Puntland u imaan lahaayen anagana jecel in ay noo yimaadan,oo dalka yimaadan isalamarkaana ay maalgashadan lagana shaqeeyo nabadgalyadoo…..”’ayuu yiri.

Sidoo kale,Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Airporka Boosaaso lagu dhameynayo muddo dhan 10-bilood ama ku dhawaad hal sano taasoo ay xigi doonaan markaas Airporada kale ee Puntland.

Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Sheegay in qalabkii lagu dhisaayo garoonka diyaaradaha Bosaso uu yaalo Dalka Jabuuti,dhawaana Bosaso uu soo gaaryo si ay howshu u bilaabato.

DSC_8044 DSC_8045 DSC_8049 DSC_8050 DSC_8053 DSC_8060 DSC_8066 DSC_8078 DSC_8082 DSC_8087 DSC_8089 DSC_8090 DSC_8092 DSC_8093 DSC_8095 DSC_8102 DSC_8105 DSC_8106 DSC_8111 DSC_8116 DSC_8117 DSC_8120 DSC_8135 DSC_8138 DSC_8158 DSC_8163 DSC_8167 DSC_8175 DSC_8197 DSC_8202 DSC_8208 DSC_8213 DSC_8219 DSC_8227 DSC_8232 DSC_8242 IMG_8620 IMG_8637 IMG_8639 IMG_8651 IMG_8661 IMG_8662 IMG_8682 IMG_8692 IMG_8723 IMG_8738 IMG_8739 IMG_8741 IMG_8756 IMG_8757 IMG_8799 IMG_8803

_________________

RBC Radio/Bosaso

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20222

Trending Articles