Muqdisho (RBC) Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federalka C/laahi Goodax Barre ayaa u ambabaxay gobolka Shabeelaha Hoose iyagoo tagi doona magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaanhiga Maxamed Xasan Xaamud, xildhibaano ka soo jeeda beelaha ku dagaalamay gobolka iyo odayaal.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan oo sii raacay diyaarad helicopter ah ay maanta ka degeen deegaanka Ceel Jaalle kadibna ay u gudbeeen magaalada Marka iyagoo deegaanka Ceel Jaalle ay ka sii raaceen ciidamo AMISOM ka mid ah.
Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah inay dib u heshiisiin dhex dhigaan beelaha ku dagaalamay deegaanka, isla markaana ay kala qaadaan maleeshiyaadka hubka sita ee weli ku sugan goobaha dagaalka oo ay isku horfadhiyaan.
Xaalada degmada Marka ayaa weli degan inkastoo dad badan ay ka qexeen magaalada, maamulkii degmadana ay ka mid noqdeen dadka ka cararay magaalada Marka kadib markii maleeshiyo ka mid ah dhinacyada dagaalamay ay qabsatay degmada Marka.
Waxaa la rajeynayaa in wafdiga wasiirada ee gaaray Marka inay booqdaan deegaano ay ka mid yihiin Shalanbod, Ceel Jaalle iyo Janaale oo ka mid ah meelaha ay saameysay colaadan.
Wafdigan ayaa shalay ka baaqday safarka ay ku tagi lahaayeen gobolka, waxaana lagu sifeeyay baaqashada shalay ee wafdiga mid xagga farsamada ah.
RBC Radio