Muqdisho [RBC Radio] Waxaa dibu dhac uu ku yimid safar la rabey inay ku tagaan deegaannadii lugu dagaallamey ee gobolka Shabeellaha hoose wasiirro ka tirsan xukuumadda.
Wasiirradan ayaa qorshuhu ahaa inay maanta tagaan dhulka lugu dagaallamey,maadaama shir ay shaley yeeshey golaha wasiirrada lugu go’aamiyey in wafti xukuumadda ka tirsan loo diro deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen.
Ujeeddada ay waftiga u baajiyeen safarkooda waxaa lugu sheegay inay la xiriirto xildhibaannadi ka soo jeedey gobollaha Shabeellaha hoose oo qarkood diidey inay wasiirrada raacan.
..”””Qorshuhu waxaa uu ahaa inan maanta baxno,xubnaha wafdigan waxaa hoggaaminaya aniga iyo wasiirka gaashaandhigga, balse waxaan doonaynay in xildhibaannadii gobolka kasoo jeeday ay howsha nala galaan, balse iyaga ayaa talo isugu laabtay, mana jirto baaqasho,..”‘ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre oo baqashada safarkooda ka hadlayey.
Wasiirku waxaa uu sheegay inay rajo wanagsan ka qabo inay ku guuleysan xilliga ay tagaan gobolka Shabeellaha hoose dajinta xiisada dagaal ee ku soo noq noqdey,inkasto oo u sheegay in wax walba ay dhicikaran.
Docda kale,wasiir Goodax waxaa uu soo hadal qaadey in markii ay labada dhinac ay isku keenaan ay dhisaan maamul ayna dib u dhisaan ciidamadii amniga ee gobolka, waxaana naga go’an xukuumad ahaan inaan shacabka isku soo jiidno oo aan dhex-dhigno nabad waarta.
Xildhibaan C/llaahi Abshiroow oo ka mid ah xildhibaannada laga soo dorto gobolka Shabeellaha hoose ayaa isna dhankiisa sheegay inay iyagu ka horyimaaden inay raacan wasiirrada,waxuuna arrinta sabab uga dhigey in heshiiska la dhexdhigayo labada malleeshiyo aysan ku jirin in deegaannada la kala qabsaday laga saaro.
..””Waxaa muhiim ah inay dadku ogaadan goobaha la tagayo waxaa ka mid ah degmada Marko, waxaana ku sugan malleeshiyadii la wareegay amni ahaan taas nooma saamaxayso inaan innagoo ah xildhibaannadii gobolka aan tagno. Tan kale qorshaha kuma cadda goobaha malleeshiyooyinkan la kala geynayo haddii la kala qaado,” ayuu xildhibaan C/llaahi Abshiroow.
Waxaa kalo uu sheegay xildhibaan C/llaahi Abshiroow inay magaalada Marko la wareegen ciidamo ka tagay Muqdisho xalka kaliya ee arrinta lugu qaboojin karana ay tahay in ciidamada ay ka baxaan magaalada kaddibna la furo wada-hadal.
Dagaalka gobolka Shabeellaha hoose waxaa uu ahaa sannadihii danbe mid soo jitamayey oo wajiyaal kala gadisan leh balse xillagan waxaa uu isku soo biya shubey arrimo siyaasaded.
____
RBC Radio