Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! (Qaybtii XVIII-aad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Juunyo 10 2014
[AMISOM, abaalka ay innagu leeyihiin wali hubsiimo ayaa inoogu laaban!..... Ma Norway iyo Kenya danahooda ilaalinayaan?! Ma Afrikaanimada iyo magaca ay huwanyihiin bay dal Afrikaan ku badbaadinyaan …?! ]
Ganacsatada marka xaqiiqda loo hadlo waa iyaga cidda waxa bedeli karta wajiga siyaasadeed ee dalka laakiin waa haddii ay gartaan, iyaga ayaa abuuri kara dhallin-yaro iyo dad mas’uul ah oo uu dhibayo xilka ka saran ummadda, wax qarsoon ma jiraan ganacsataduna waa ay ogyihiin kuna baraarugsanyihiin inuu maqanyahay guud ahaan ruuxii iyo naftii astaanta u ahaa wadaniyadda, taasoo ahayd in la helo shacab u qiiraysan kana xun dhibaatooyinka soo jiitamayay ee dalkooda ku dhacay.
Waxaa isna yaraaday ama gaaray heer aan waxba dhaamin baab’a kaalintii Culumaa’udiinka, ka dib markii ay siyaasiyiintii dalka intoodii badnayd ku dhici waayeen oo ay ka carareen dhaqankoodii islaamnimo la dagaalanka culumadana ay ka dhigteen sabab ay ugu dhowadaan dowladaha ay danahooda gaarka ah ka fushanayeen, tallaabadaasoo iyada laf ahaanteeda gacan ka geysatay kobocii Al-shabaab….waxyaabahaas is biirsaday waxaa loo baahanaa cid is xilqaanta oo isku dayda inay meel dhexe isugu keento kala fogaanshaha xagga fikirka ah ee ummadda soo dhex galay, waxa ugu haboon inay doorkaas ciyaaraana waxay ahaayeen ganacsatada…mase dhicin!…..
Barta aan wali la taaban ee ugu adag xaqiiqda ciidammada nabad ilaalinta ah ee sida aan dhammaadka lahayn loogu soo gurayo Soomaaliya ayaa ah muhimmadda ugu weyn ee fahmkeeda loo baahanyahay in ummadda lagu wacyi geliyo, dhallin-yarada oo iyada ah laf-dhabartii ummadda ay xog-ogaal u ahaato si buuxdana u fahamsanaadaan ka hor inta aysan dowlad ay oday dhaqmeedyo soo xuleen oo shacbku dooran u saxiixin arrimaha waaweyn ee la rabo in laga saxiixdo niman iyagaba hadda ka walaacsan in haddii ay timaado doorasho dad-weyne aysan cod halayn ama aysan ku soo noqonayn xafiisyada ay maanta joogaan sidaas daraadeed aad moodo inay ku fekerayaan inay maanta ka sii faro qabsadaan..…HALLI MAALIN BAY CEEL JOOGTAA!
In dadka Soomaaliyeed ay shakisanyihiin ma aha wax cidna laga qarinayo, in siyaabo badan oo walaac geliyay loola dhaqmayna ma aha mid cidna laga qarinayo, in dalkooda wax kasta lagu sameeyay (dowlado ama shirkado) sida in loo isticmaalo meel lagu aaso ama lagu qubo qashinka ama waskhda ka soo baxda walxaha kiimikaal ee warshaduhu soo saaraan (Toxic Waste) oo haddii ay dadku cunaan ama ku-neefsadaan sababi kara dhantaalnaan xagga jirka ah iyo inay dhashaan ilmo aan dhamays ahayn iyadana ma aha mid cidna laga qarinayo… in arrinta laynagu sameeyay ay tahay Goroyadii Afka Dufanka Loo Mariyay Ee Haddana Hashii Oo DHan Iyadaa Cuntay La Yiri !…….
Soomaaliya hadaa waxay maraysaa sanadkii 24aad oo aysan lahayn dowlad magaca Soomaaliya hanata qaran ahaan, muddada intaas la eg waxa Beesha Caalamka loogu yeero ayaa maalin kasta dhankay doonto u rogaysay, Qarrammada Midoobay maalin kasta wakiil gaar ah bay u soo dirsanaysay, xaqiiqo ahaana shaqada uu hayay ma ahayn mid wax ku ool ah oo dhinacna qiimo ku leh keliya waxay u ekeyd in Qarmmada Middobay ay doonaysay inay eedda iska reebto iyadoo dunida tusaysa inay qayb ka tahay xal-u-raadinta Soomaaliya….ninn ma inkirsana mararka qaaro meelo tabaalo bini aadanimo ka jirto xoogaa galeey ah waa ay geysay, siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo siyaasadahoodana dhaliilo waa ka sheegtaa….laakiin wali ma haysaa iyadoo ka hadlaysa inaan laga xad-gudbin xudduudaha Soomaaliya?! Waa May!…ma haysaa iyadoo ka hadlaysa dhaca iyo kaluumaysiga tuugada ee xeebaha Soomaaliya lagu hayo?! Waa May!……
Sida uu ii sheegay waziir hore oo ka tirsanaa xukuummadii Cumar Cabdi-Rashiid, kana mid ahaa guddi la kulmay dowladda Talyaaniga oo ka dacwooniyay shirkado waaweeyn oo laga leeyahay dalkaas si tuuga ahna uga kaluumaysta Soomaaliya, waxay sanadkii shirkadahaas kaluumaysigaas ka samayniyeen dhaqaal dhan ilaa 600 Milion oo dollar, hadda kuma jiraan dalalka kale, 24sano dhaca noocaas ah ee baddeenna lagu hayo lama soo hadal qaado, Qarramada Midobay oo iyadu ah hay’addii aan xubinta ka ahayn sharci ahaan lahayd inay ka hadasho waxay ka door bidday inay indhaha ka qarsato, xataa haddii aysan waxba ka qaban karin maalin qura ma cambaarayn arrintaas!…..
Bal fiiri waxa dadkeena qaxootiga ah Kenya ku haysta!….bal fiiri wax Koonfur Afrika ku haysta!… bal is weydii oo maxay ka qabteen ama xataa ka yiraahdeen waxa Beesha-Caalamka loogu yeero?!…Midowga Afrika, IGAD, yaa ka hadlay….MaXAA INNAGU DHACAY?!…Xanuunka, SHaraf-dhaca,iyo waliba Boobkaka iyo sida laynoo ceerteeyay! Waxaas oo dhan lama soo hadal qaado, laysma weydiiyo, lamana diiwaan geliyo, maxay tahay marka rajada aan ka qabno African Mission In Somalia (AMISOM) inay daacad ka tahay badbaadinta dadkeena, iyagoo indhaha ka daawanaya xad-gudubyada aadminimo ee lagula kacayo dadkeena qaxootiga ku ah dalalka Afrika, maxaa inoo diidaya inaan ka shakino waxa uu salka ku hayo joogitaankooda iyo hawlaha ay ka hayaan Soomaaliya, iyo waliba qaabka uu ku dhammaan doono….
Isu ekaa sida laynoola dhaqmay oo laynoo nabsaday iyo sida habar dugaag ula dhaqmeen Gorayada oo inta qaarkood si xatooya ah u cuneen qaalintii geela ahayd ee ka dhexeysay habar-dugaag yiraahdeen Gorayadaa cuntay inta afka dufan ka mariyeen sidaasna Gorayadii lagu cunay hashii bedelkeeda! …..Ogow Habar-Dugaag waa ogaayeen Goroyada inaysan hilibka cunin, waxaa taas ka sii daran waa ogaayeen inaysan qaalin geel cuni karin, laakiin si sababay ku cunaan ugu helaan iyagoo dhan waxay isku raaceen inay HASHII keligeed cuntay sidaas daraadeedna ay tahay in iyadana la cuno!….Annaga wax kasta oo eed ah oo laynaga galay annagaa dusha laynaga saaray, xataa iyadoo dunidu wada ogtahay inaanan samayn karin waxa laynagu eedaynayo, laakiin si ay uhelaan sababay ku sharciyeystaan danahooda guracan waxy isku raacsanyihiin EED KASTA OO LAYNAGU EEDEEYO!!….
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
_______________
Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM