Muqdisho (RBC) Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa musarixintii u tartamay xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya bishii Sebtembar 2012 ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu ka mid ahaa illaa afar siyaasi oo muctarif ka ah dalka oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kula taliyey inuu raysal wasaaraha dalka u magacaabo nin ka soo jeeda deegaanada maamulka Somaliland.
Afartaasi siyaasi ayaa xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 17-kii Sebtembar 2012 oo ahayd hall usbuuc kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa afartaasi siyaasi madaxweyne Xasan Sheekh xilligaasi u gidbiyeen warqad ay ku soo qoreen talooyin ay u jeedinayeen madaxweynaha cusub ee dawlada federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo beryihii ugu horreeyay ee madaxtinimada dalka ku jiray.
Talooyinkaasi ayaa ka mid ahaa;-
1- In jagada raysal wasaaraha dalka loo magacaabo siyaasi ka soo jeeda deegaanada Somaliland, lana joojiyo hab dhaqankii hore eedawladaha ku-meelgaarka oo ahaa in haddii beelaha Muqdisho (Hawiye) ay qaateen kursiga madaxtinimada, in jagada raysal wasaaraha loo magacaabo beelaha Daaroodka.
2- Waxay warqadaasi sheegeysay magacyada illaa 7 siyaasi oo isugu jira kuwo caan ah iyo kuwo ku cusub siyaasada oo ka soo jeeda beelaha Somaliland, iyagoo ki taliyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu toddobadaasi nin ka dhex xusho shakhsiga uu doonayo kadiba u magacaabo xilka raysal wasaaraha.
3- Warqadaasi ayaa si cad u sheegtay in haddii siyaasi ka soo jeeda Somaliland la siiyo xilka raysal wasaaraha dalka in taasi ay soo afjari doonto dhawaaqa goosashada ee maamulka Somaliland uu ku dhawaaqay saadkii 1991-kii.
4- Dooda ugu weyn ee warqadaasi talooyinka loogu jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahayd in beelaha Daaroodka iyo Hawiyaha ay isku yihiin “REER KOONFUREED” isla markaana dawladihi dalka soo maray oo dhan tan iyo 1960-kii (marka laga reebo xilli Aadan Cadde iyo Maxamed Ibraahim Cigaal) in dhamaan dawladaha kale ay ahaayeen kuwo ay isku bedelayeen beelaha Hawiye iyo Daarood, halka Dirtana aanay helin xilal ka badan wasiiro.
Magacyada siyaasiyiinta taladaasi bixiyey
1- Prof Axmed Ismaaaciil Samatar
2- Prof Cali Khaliif Galeyyr
3- Gen Jaamac Maxamed Qaalib
4- Dr Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa
Haddaba talooyinkaasi xaggee ku dambeeyeen?
Sida uu qiray Prof Samatar, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taladaasi dhegaha ka fureystay waqtigaasi, wuxuuna raysall wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon oo beelaha Daaroodka ka soo jeeda bishii Novembar 2012, waxaana xusid mudan in waqtiga uu madaxweynuhu ku dhawaaqay magacaabista raysal wasaare Saacid Shirdoon ay ahayn iyadoo hal maalin oo qura uu ka harsanaa waqtigii dastuurka u ogolaa madaxweynuhu inuu ku magacaabo raysal wasaaraha cusub.
Warar hoose ayaa sheegaya in sababtii ugu weyneyd ee madaxweyne Xasan Sheekh ku kaliftay inuu la daaho magacaabista raysal wasaaraha cusub inay ahayd kala xulshada talooyinka faraha badan iyo magacyada musharixiinta u tartameysay xilka raysal wasaaraha dalka.
RBC Radio