Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Saacid:Deeqda Milateri ee Jabuuti noogu deeqday wax badan ayey ka tareysaa Baahida Ciidankeena

$
0
0

Jabuuti(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in Saanada ciidan ee ay dowlada Soomaaliya ugu deeqday dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay wax badan ka tari doonto baahida ciidamada xooga dalka xiligan haysata.

Cabdi Faarax Shiirdoon wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa tibaaxay in deeqda milateri ee dalka Jabuuti uu ugu deeqay Soomaaliya ay dabooli doonto baahida ku aaddan dhanka sugida amaanka gobolada dalka ee dhawaanahan laga saaray alshabaab.

Wuxuuna shaaca ka qaaday in dalka Jabuuti uu yahay dal fahmi kara una diyaar ah wax la qabashada walaalahooda Soomaaliyeed oo xiligan haya wadadii dib uga soo kabashada colaadihii sokeeye ee ragaadiyey 22-kii sano ee ugu danbeeyey.

Shalay ayey ahaydf markii dowlada dalka Jabuuti ay waftiga R/wasaaraha oo booqasho ku jooga dalkaas gudoonsiisay agab Milateri oo ay ka mid ahaayeen dabaabaadka dagaalka iyo gaadiidka ciidanka lagu qaado kuwaas oo ay ugu tala gashay in lagu qalabeeyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo dhawaan qayb ahaan laga qaaday xayiraadii hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya sanadkii 1992 markaas oo dalka ay ka socdeen dagaalo sokeeye.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdish0

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles