Garbahaarey(RBC Radio) Culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ayaa daboolka ka qaaday iney kordhinayaan dagaalka ay kula jiraan alshabaab oo ay sheegeen iney diinta ka been sheegeen sida ay tilmaameen afhayeenka culima udiinka Soomaaliyeed ee ahlu sunna waljamaaca gobolada Koonfur galbeed ee Soomaaliya Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaadi ayaa sheegay iney sii laba jibaarayaan dagaalka ay kala horjeedaan alshabaab.
Wuxuuna daboolka ka qaaday in culima udiinka ahlu sunna ay u istaageen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay iney marin habaabinayaan kooxo ku adeeganaya magaca diinta wuxuuna tibaaxay iney wadayaan wacyi galinta ay shacabka uga digayaan iney ku biiraan fikirada alshabaab oo uu sheegay iney yihiin kuwo aan sal iyo raad toone ku lahayn diinta Islaamka.
Wuxuuna sidoo kale sheegay iney wadayaan dagaalada ay dalka kaga saarayaan alshabaab isagoona intaa ku daray iney siduu yahay u fulinayaan heshiiskii ay dhawaan la galeen dowlada Soomaaliya kaasoo ahaa in ciidanka ahlu sunna ay si rasmi ah ugu biiraan ciidanka dowlada Soomaaliya.
Al-qaadi ayaa sheegay iney ku rajo weyn yihiin in xiliyada dhow ay alshabaab ka sifeyn doonaan guud ahaan gobolada dalka,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney garab istaagaan culimada ahlu sunna kana hor yimaadaan fikirada gurracan ee alshabaab sida uu hadalka u dhigay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho