Muqdisho(RBC Radio) Cumar Xamaami oo markii uu Soomaaliya yimi la baxay magaca Abu Mansuur Al-amriiki ayaa sheegay inuu waxyeeleyn doono danaha dowlada mareykanak ee wadamada caalamka sida ay daabacday wakaalada wararka Faransiiska ee AFP oo soo xiganaysa Website-ka .Danger Room oo ku yaala gudaha wadanka Mareykanka oo wareysatay Abu Mansuur Al-amriki.
Cumar Xamaami ayaa wacad ku maray inuu weeraro uu ku hayo danaha Mareykanka ee wadamada aduunka uu sii wadi,Abu Mansuur Al-amriki oo dowlada Mareylkanku ay ku doon dooneyso 5 Milyan oo doolarka Mareykanka ah aysan taasi waxba ka bedeleen go’aankiisa ah dagaalka uu kala horjeedo dalka uu kasoo jeedo ee Mareykanka.
Abu Mansuur ayaa sheegay inuu xiligan ku sugan yahay meel ka mid ah dalka Soomaaliya isla markaane uusan wax wel wel ah ka qabin in la qabto loona gacan galiyo dowlada Mareykanka oo ku raadjoogta,wuxuuna daboolka ka qaaday inuu aaminsan yahay in hawsha uu ku jiro ay tahay mid xaq ah oo waajib ku ah inuu sii wado.
Wuxuuna tibaaxay inuu diyaar u yahay inuu gacan siiyo alshabaabka Soomaaliya oo bilihii u danbeeyey uu soo ifbaxayey khilaafka ka dhex abuurmay,wuxuuna ugu danbeyntii Abu Mansuur Al-amriiki uu sii wadi doono weerarada uu ku naafeynayo danaha Mareykanku ku leeyahay caalamka daafihiisa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho