Clik here to view.

Nikolas Kay
Muqdisho [RBC Radio] Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, SRSG, Nikolas Kay ayaa soo dhoweeyay soo sii daysmada manta la siidaayay 11 la-heeste oo ka tirsanaa shaqaalihii markabkii MV Albedo, kuwaas oo la hastay ilaaiyo sannaddi 2010. Sidoo kalena, wax uu Ergayga ku baaqay in la soo daayo dhammaan la-hastayaasha harsan, kuwaas oo ay haystaan burcad badeed Soomaaliyeed.
Kow-iyo toban (11) ka mid ah shaqaalihii la haystayaashii Markabkii MV Alberto ayaa lagu wareejiyay saraakiil ka tisran Xafiiska Qaramadda Middobay u qaabilsan Daroogooyinka iyo Dunuubta. Shaqaalahaas oo bad qabana waxa ay maanta dib oogu noqdeen Kenya. Shaqaalahan, jinsiyad ahaan waxay ka soo jeedaan wadamadda Hindia, Iraan, Bangaladesh, iyo Siri-lanka, waxaana dib loogu celindoonaa wadamadoodi maalahan soo socda.
Markabka MV Albedo, waxaa haystay burcad badeed Soomaaliyeed oo hubaysanaa, ilaa iyo 12 Nofembere 2010. Markabka waxa uu ku dhowaaday in uu ku dego badda Soomaaaliyeed bishii Juulay 2013, waxaana oogu wacnaa dhibaato la xariirtay dhinaca farsamadda, iyo jawiga oo xumaa. Sidaas darted, shaqaalihii ka badbaaday waxaa lagu hayay xeebaha Soomaaliyeed ilaa iyo wakhtigaas. Waxaana ku hayay burcad-badeda.
“Muddo ka baddan seddex sanno, ayay lahaystayaashii, iyo qoysaskoodiba dhitoonayeen- dhibaatadaas oo aan la qiyaasi Karin. Shaqaalaha waxay dhibaato kala kulmeen burcad-badeeda, kadibna waxaa la soo xiriirtay dhibaato ku saabsan markabkoodi oo degayay, kadibna waxaa lagu hayay xeebaha, ayaga oo ku jiray arrin dhibaato badan. Waxaan boogaadinayaa dedaalaka ay sameeyeen saraakiisha Xafiiska UNODC iyo masuuliyiinta (Soomaaliyeed ee maxaliga ah), kuwas oo fududeeyay in ay si nabad ah shaqaalahan maanta did oogu soo noqdaan. In kasta oo aan aragnay in ay si wayn hoos ugu dhacday dhibaatadii burcad badeeda ee ka jirtay Xeebaha Soomaaliyeed sannadihii la soo dhaafay, hadana waxaan aad ooga walaacsanahay in 38 shaqaale oo kale la haysto ilaa iyo hadda, waxaana haysata burcadd badeeda Soomaaliyeed. Waxaan oogu baaqayaa dadka haysta shaqaalahaasi maraakiibta in ay soo daayaan dib udhacla’aan, si shaqaalahaasi ay markale oogu tagaan qaysaskoodi iyo eheladoodiba”, ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah SRSG Kay.
_____
RBC Radio