Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Golis waad Muteysateene Mahadsanidin. W/Q Muhammad Farah

Image may be NSFW.
Clik here to view.
maqaal
Golis waad Muteysateene Mahadsanidin

Muhammad Farah
mabdiyare@hotmail.com
Juunyo 07 2014

Dalkastaa oo caalamka ka jira iyo dad kastaa oo dunidaan ku nool waxay leeyihiin Munaasabado iyo Maalmo qaali ku ah, kuwaas oo ay u dabaal dagaan islamarkaana si weyn u xusaan una xushmeeyaan, anoon qoraalkeyga dheereynin waxaan rabaa inaan halkaan uga soo jeediyo Hambalyo iyo mahadcelin balaaran , anigoo isleh run ahaantii waa muteysteen in la mahadsho, shirkada isgaarsiinta ee Golis Puntland.

Anigoo ah qof caadi ah oon cidna afkeeda iyo magaceeda ku hadleyn, hadana waxaan isleeyahay Golis waa Muteysateene Mahadsanidin, sababta aan maqsuudkaas uga ah Shirkadaas Isgaarsiineed ee Puntland waxa weeye iyadoo aan isleeyahay waxay ka hormartey shirkadihii kale ee gayigeena, Maadaama Xaflad iyo Munaasabad kasta oo dalkeenii ka dhaceysa ay qeyb weyn ka qaataan Xag farsamo, Qurxin , Kharash iyo Tabin.

Run ahaantii maalmihii waaweynaa ee xasuusta lahaa Sida Doorashadii Soomaalida iyo caalamkuba ku amaaneen Puntland waxey ahayd Golis shirkadii inoo fududeysay inaan caalamka daafihiisa ka daawano markhaatina ka noqono sida ay wax u socdaan, waxay ahayd arin xiisaheeda iyo mahadhada taariikhdeedaba leh doorashaadaasi.

Sidoo kale Caleema saarkii Boqorka Beelaha Daarood ee Magaalada qardho oo iyadana aan si live ah u daawanaynay iyadoo madashaasi ay isugu yimaadeen inta badan wax galka siyaasiyiinta iyo Isimada Umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.

Ganacsatada soomaaliyeed iyo Maamulka Shirkadaas waxaan idin leeyahay Mahadi ha idinka gaarto halkaasna kasii wada dadaalka aad wadaan, hadeydan idinka ahaateen kaalintaas inaad qaadataan, barnaamijyadaas sidaas umadu uga wada maqsuudey ma ahaadeen kuwa sidaas ay u waaweynaayeen dadku u wada arki lahaayeen.

Eng. Qooje
Xi’an China
Muhammad Farah
mabdiyare@hotmail.com

_______________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles