Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Guddiga ku howlana xalinta khilaafadka ururka Kulmiye oo maanta shaaciyey in la xaliyey khilafkii jirey [Sawirro]

Image may be NSFW.
Clik here to view.
1

Hargeysa [RBC Radio] Waxaa maanta muddo kaddib la sheegay in la xaliyey khilaaf maalmahanba jiitamayey oo ka dhexjiray mas’uuliyinta sar sare ee xisbiga talada haya Soomaaliland ee Kulmiye,waxaana warkan shaaciyey guddigii golaha guurtida ee ku jirtay soo afjaridda khilaafka xisbiga.

Guddigii golaha guurtida ee ku jirta soo afjaridda khilaafka xisbiga waxaa ay labada garab ee xibiga oo is khilafsana ugu yeeren kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliland,waxaana kulanka laga soo saarey saddex qodob oo ay ku xalinayeen khilaafkii balaadhnaa ee mudooyinki u dambeeyey hadheeyey xisbigaasi.

Goobta ay guddiga ka sheegen in la xaliyey khilafka xisbiga kulmiye waxaa xilliga ku sugna labaddii garab ee khilaafku ka dhexeeyey ee ay kala hoggaaminayeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga kulmiye.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo ah guddoomiyaha golaha guurtida ayaa kulanka ugu horreeyn ka sheegay in  xal laga gaarey khilaafki ka dhex jirey xisbiga Kulmiye,waxuuna inta ku darey markii ay daraasadeeyeen waxa khilaafku ka dhashay, isla markaana dib ugu noqdeen datuurka qaranka iyo xeer hoosaadka xisbiga ay xal la noqotay saddex qodob oo ay u arkeen in lagu xalin karo khilaafkaasi.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
4

Waxuuna guddoomiyaha goobta ka akhriyey natiijada ka soo baxdey qorshihi dibu heshiisinta ee xibiga Kulmiye,waxaana ay kala ahaayen.

1- In La ansixiyey Golihii Fulinta iyo Golihii dhexe ee Guddiga Diiwaangelinta ansixiyey kaasi oo ah mid ay wateen Garabka Madaxweyne Siilaanyo.

2- In ay banaantahay in Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye dhexdiisa lagu tartamo cida noqoneysa Murashaxa, balse ay reeban tahay in murashaxiinta adeegsadaan astaanta Xisbiga intaan la gaarin wakhtiga loo cayimay ololaha doorashooyinka guud.

3- In xabsiga laga siidaayo dadkii loo xir xiray arrimaha siyaasada oo aan iyagu ku lug lahayn arrimaha amni xumada.

Xilligii uu guddiga ku dhawaaqay go’aanada kasoo baxay ayey hadalo kooban kasoo jeediyeen madaxweyne Soomaaliland, Axmed Siilaanyo iyo guddoomiye xibiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo labaduba sheegay inay aqbaleen go’aanada kasoo baxay Guddiga.

..””‘Waxaan si cad idin kugu sheegeyna inan aqbalney go’aamadi iyo qodobbadi ay soo saaren guddiga guurtida oo horey ugu xilsarna xalinta khilaafka,…””ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliland oo hadal kooban jeediyey.

Guddoomiye xisbiga Kulmiya , Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhankiisa sheegay in qodobbada guddiga ay ku dhawaaqen qar kood inuusan jecleysan,maadaama uu sheegay inay u jan jeeran dhinaca madaxweynaha,balse waxaa uu cadeeyey inuu aqbalayo go’aanka ay gaaren guddiga xalinta khilaafka xibiga Kulmiye.

..””Inkastoo adag tahay siday wax u jareen hadana waanu aqballay, anigoo u eegaya danta qaranka, mar haddii aad rag wax u dhiibatayna waxay soo saaraan waad ku qasbantahay inaad aqbalo,..””ayuu yiri gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi oo ay wajigiisa ka muuqatay in aanu ku qanacsanayn go’aamadaasi.

Xalinta khilaafka Kulmiye oo soo jiitamayey waxaa la sheegay inay tahay mid dajin karta xiisadi siyaasaded ee horey ugu dhex jirtey labada garab ee u xisbiga Kulmiye noqdey.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
4
Image may be NSFW.
Clik here to view.
2
Image may be NSFW.
Clik here to view.
1

 

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles