Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20171

62 qof oo tahribayaal ah oo la sheegay inay ku dhinteen xeebaha dalka Yemen

$
0
0

FC4B30F2-FF6B-4AD6-AD78-11E366FD55E3_w640_r1_cx0_cy1_cw0_s

Sanca [RBC Radio] Sida ay sheegtey hay’adda UNHCR waxaa dib u bilowdey dadkii muhaajirinta ahaa ee u safri jirey biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen,waxaana warbixin ay soo sartey hay’addu  ku sheegtey  in toddobaadkan ay xeebaha Yemen ku dhinteen 62 qof.

Dadka dhintey toddobadkan waxaa la sheegay inay daggeen doontii  ay la socdeen,iyagoo doonayey inay ku galaan dalka Yemen.

Waxaa la sheegay dadka saarna doonta deggey inay ka kala yimaadeen dalalka Somalia, Ethiopia, iyo laba shaqaale oo reer Yemen ah, waxaana ay doonidoodii ku degtey Badda Cas Sabtidii la soo dhaafey.

UNHCR waxa ay tacsi u dirty qoysaskii ay dadkani ka geeriyoodeen waxaana ay sheegtey in ay tani tahay tiradii ugu badneyd ee mar qura badda ku dhimata tan iyo Sanadkan. waxaana ay dhimashada guud ee sanadkan ka dhigeysaa 121 qof.

Hay’addaha qaxootiga ee Qaramada Midoobey,waxaa kalo ay ku sheegtey warka ka soo baxey inay diiwaan galisey afartii bilood ee sanadkan ugu horeysey 16,000 oo qaxooti iyo socota ah kuwaasoo soo gaarey xeebaha Yemen, tiradan ayaa si weyn uga yar tii sanadkii hore oo aheyd 35,000 oo qof afartii bilood ee ugu horeysey.

Ugu danbeynti,UNHCR waxa ay mas’uuliyiiinta gobolka ugu baaqdey in ay sameeyaan hanaan samatabixin deg deg ah iyo waliba in diiwaan galin iyo aqoonsi qaxootinimo la siiyo dadka ka soo badbaada safarka ay dhanka bada ee ay soo galaan oo ah mid qatartiisa leh.

Sannadihi ugu danbeeyey waxaa yara dadka ku safraya biyaha isku xira dalalka Soomaaliya iyo Yemen.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20171

Trending Articles