Sh/dhexe(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegay in ujeedka ciidamada Ethiopia ay usoo galeen gudaha dalka Soomaaliya uu yahay iney qabsadaan dhulka Soomaaliya gudoomiyaha alshabaab ugu magacaaban gobolka Shabeelaha dhexe Sh. Yuusuf Ciise Kabakutukade oo la hadlayey idaacad ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay in damaca Ethiopia uu yahay iney qabsato guud ahaan dhulka ay Soomaalidu dagto sida uu sheegay.
KAbakutukade ayaa sheegay in bixitaanka hada ciidamada Ethiopia ay ka bexeen deegaano ka tirsan goobihii ay alshabaabka ka saareen ay ka danbeysay kadib markii sida uu sheegay ay alshabaab ku qaadeen dagaalo aan kala joogsi lahayn.
Wuxuuna ku celceliyey in Ethiopia aysan marna ka baaqsaneen sidii ay u dhibaateyn lahayd umada Soomaaliyeed,isagoona tibaaxay iney wadaan qorshayaal badan oo ay ku qabsanayaan ciida Soomaaliya wuxuuna tilmaamay in Ethiopia ay hanti iyo nafba ay ku bixisay sidii ay u hirgalin lahayd hamigeeda gurracan sida uu tilmaamay.
Sh.Kabakutukade ayaa ugu baaqay shacabka Soomaalida iney garab istaagaan alshabaab si loola dagaalamo ciidamada Ethiopia oo uu ku tilmaamay iney yihiin gumeysi cusub ,wuxuuna intaa ku daray in ciidamada dalka Ethiopia hadii aan dagaal lala galin ineysan suurta gal noqon doonin in dalka laga saaro sida uu sheegay.
Dowlada Ethiopia ayaa waxaa gudaha Soomaaliya kajooga ciidamo fara badan kuwaas oo taageeraya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kuwaas oo dagaal ba’an kula jiray alshabaabka dagaalka ka wada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho